Boqortooyada Sacuudiga ayaa dhistay isbaheysi caalami ah oo ka shaqeyn doona sidii loo afjari lahaa dagaalka marinka Qasa, islamarkaana loo heli lahaa laba dowladood oo Israa’iil iyo Falastiin kala ah .
wasiirka arrimaha dibadda ee Sucuudiga Amiir Faysal bin Farhan Al Saud, oo ka hadlay magaalada Newyork oo uu ka socda shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee New York ayaa xaqiijiyay dadaalka ay wadaan iyo dalalka qeybta ka ah.
Isbaheysigan uu Boqortooyada Sucuudiga dhistay ayaa waxaa ku jira dalal dhowr oo Carab iyo Muslimiin ah iyo saaxiibo reer Yurub ah, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee dowladda Sacuudiga, iyadoo aan la shaacin magacyada dalalka.




From the comments