U bood dhigaalka

Hogaamiyihii Hezbollah oo geeridiisa la xaqiijiyay iyo Iran oo laga dilay Sarkaal muhiim ah

War kasoo baxay ururka Xisbulaahi ayaa lagu sheegay in Hassan Nasrallah, hogaamiyaha Hezbollah lagu dilay weerar hawada ah oo ka dhacay caasimadda Lebanon, Beirut.

Tani waxay tahay dhacdo weyn oo dhaawac weyn u geysan karta Hezbollah, oo wajahaya weerarro Israeli ah oo sii kordhaya.

Afhayeenka ciidamada Israel, Lieutenant Colonel Nadav Shoshani, ayaa xaqiijiyay in Nasrallah la dilay. Sidoo kale, waxaa la sheegay in Ali Karki, taliyaha dhanka koonfureed ee Hezbollah, iyo madax kale oo Hezbollah ka tirsan lagu dilay weerarka ba’an ee dhacay Jumcadii.

Taliye ku-xigeenkii howlgalka ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran, Cabbaas Nilforoushan oo sidoo kale ahaa ku simaha taliyaha ciidanka ilaalada kacaanka dibadda ee loogu yeero Quds ee Lubnaan iyo Suuriya ayaa la xaqiijiyay inuu ka mid yahay saraakiisha sare ee la geeriyooday Nasrallah , kaddib weerarkii shalay ay Israa’iil ku beegsatay goobta ay ku sugnaayeen ee xarunta dhexe ee ururka Xisbullah ee koonfurta Beirut.