U bood dhigaalka

Wararkii ugu dambeeyay weerarada ku socda Caasimadda Lubnaan

Israa’iil ayaa sare u qaaday weerarada aan kala joogsiga laheyn ee ka socda caasimadda Lubnaan, iyada oo bartilmaameedsatay xarumaha kooxda Hezbollah ee taageersan Iiraan iyo keydadka hubkeeda.

Warbaahinta Caalamka ayaa si xooggan u hadal heysa in meelaha la beegsaday uu ka mid yahay guriga hoggaamiyaha kooxda, Hassan Nasrallah, isla markaana sida oo kale la burburiyay dhismayaal ku yaalla koonfurta Beyruut.

Ugu yaraan Sagaal qof ayaa lagu dilay weerarka, balse weli wax war ah lagama hayo xaaladda Hassan Nasrallah.

Lamana saadaalin karo oo waa goor hore in la sheego haddii weerarkaas uu ku dhintay hoggaamiyihii kooxda, Sayid Hassan Nasrallah, sida uu sheegay sarkaal sare oo Israa’iili ah oo la hadlay warbaahinta gudaha ee dalkaas.

Ciidamada Difaaca Israel (IDF) ayaa sidoo kale sheegay inay bartilmaameedsadeen goobo ku yaalla magaalada Tyre ee koonfurta Lubnaan, halkaas oo ay ku dileen taliyeyaal ka tirsan Hezbollah.