U bood dhigaalka

Itoobiya oo dhan walba ka gubanaysa, dhammaan deriskeedana col la ah

Maamulka Abii Axmed ayaa ku jira xaalad go’doon ah oo ka dhalatay hab-dhaqankiisa anshaxa deris wanaagga iyo midka diblumaasiyaddaba ka baxsan ee uu caadaystay, waxayna arrintaani horseeday inay dalalka bariga Afrika intooda badan isku dhacaan.

Billowgii sanadkan Abii Axmed wuxuu is afgarad xadgudub iyo meel ku ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya la saxiixday Soomaaliland, taas oo keentay xiisad xooggan oo cadaawad isku badeshay, waxaana muuqanaysa in miyir la’aanta iyo qar iska xoornimada taliska Addis Ababa uu keeni doono dagaal toos ah.

Dhanka kale Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Abii Axmed iskuma niyad sama oo illaa billowgii horraantii sanadkan waxaa u dhexeeyay mad-madow aan weli xiisad diblumaasiyadeed isku badelin, balse is aaminaaddii labada dhinac meesha ka saaray, arrintaasina waxay ku salaysantahay damaca guracan ee Itoobiya oo dekadaha iyo dhaqaalaha Jabuuti halis ku ah.

Sidoo kale Eritrea iyo Sudan ayaa labaduba baalka cadowtinimada ku xariiqday Itoobiya, waxayna xukuumadaha Asmara iyo Addis Ababa is dhaafsadeen hamjabaado kulul, ayadoo Abii Axmed uu sheegay in madaxweyne Isaias Afwerki iyo dowlwddiisu ay sida Qasa isku badeli doonaan haddii ay Itoobiya faraha la soo galaan.

Dhankiisa hoggaamiyaha militariga Sudan Cabdifitaax Al-Burhani ayaa khodbaddii uu dhowaan ka jeediyay kulanka golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay wuxuu ku sheegay in dowladaha deriska qaarkood ay dhaqaale iyo hub ku taageeraan fallaagada RSF, waxayna xeeldheereyaashu hadalkan ku macneeyeen inuu ula jeedo Itoobiya iyo Kenya.

Si kastaba ha ahaatee maamulka dhammaan albaabada diblumaasiyadda iyo saaxiibtinimada dunidu ay ka soo xirmeen ee Abii Axmed hoggaanka u yahay ayaa wajahaya xaalad jahwareeer ah, waxaana socda abaabulka isbahaysi seddax geesood ah oo cimrigiisa soo gaabin doona haddii aanu hab-dhaqankiisa wax ka badelin.