U bood dhigaalka

Xubin ka tirsanaa Shabaab oo isku dhiibay Ciidanka dowladda

Qaasim Axmed Dhuxul Geesey, oo loo yaqaano Suulal Ceyn, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan guutada 28, qaybta 21aad.

Qaasim, oo ka dhashay degmada Masaajid Cali Guduud, ayaa muddo 8 sano ah ka tirsanaa ururka Shabaab.

Isu-soo-dhiibistiisa ayaa timid ka dib markii uu adkeysan waayay dhibaatooyinka iyo xaaladaha adag ee uu la kulmay intii uu ku jiray ururka.

Waxaa kordhay maalmihii lasoo dhaafay xubnaha horay uga tirsanaa Shabaab ee isku soo dhiibaya Ciidanka Xoogga dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhisay weerarada ka dhanka ah Shabaab.