U bood dhigaalka

Iran oo weerar Gantaalo ah ku qaaday Israa’iil

Sheeko:War

Telefishanka dowladda Iiraan ayaa sheegay in ciidanka kacaanka Iran ay ku qaadeen Israel weeraro gantaalo ah.

Qaar ka mid ah Gantaallada ayaa bartilmaameedsaday taangiyada Israa’iil ee ku yaal waddada loo yaqaan Netzarim Corridor.

Waddadan Netzarim Corridor waxaa la dhisay si loo kala saaro waqooyiga Gaza iyo koonaha, tan iyo bilowgii duullaanka Israa’iil ee ku saabsan gobolka.

IRGC ayaa sheegay in hawshooda ay “guulaysatay” waxayna ku eedeeyeen ciidamada Israa’iil in ay culays weyn saareen wararka la xiriira dhacdadan.

Si kastaba ha noqotee, sheegashada IRGC ma ahan mid si madax bannaan loo xaqiijin karo.

Falastiiniyiinta ku sugan Daanta Galbeed ee la heysto ayaa u dabaaldeggaya gantaallada Iran ee ku dhacay xarumaha Israa’iil ee Daanta Galbeed.