Inta la xaqiijiyay Saddex qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, halka sagaal kalena ay dhaawacmeen duqeymo ay Israa’iil ka geysatay caasimadda magaalo madaxda dalka Suuriya ee Dimishiq sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu.
Dadka duqeymaha lagu diley ayaa waxaa kamid ah gabar wariye ah oo ka tirsanayd TV-ga ay maamusho dowladda Suuriya, sida laga soo xigtay masuuliyiinta.
Muuqaal ay laga soo duulay goobta ay duqeyntu ka dhacday ayaa muujinaya gaadiid ku gubanaya meel u dhow dhismayaal ku yaalla caasimadda Dimishiq.




From the comments