U bood dhigaalka

Madaxweynaha JFS oo furay shirweynaha hormarinta beeraha dalka

Sheeko:War

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow magaalada Muqdisho ka furay shirweynaha koowaad ee hormarinta silsiladaha maalgashiga beeraha dalkeena.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaa ka qeyb galaya wasiirada beeraha waraabka dawlad Goboleedyada, ganacsatada maalgelisa beeraha iyo quburo caalami ah.

Ujeedka Shirkan ayaa ah in la dhiirigeliyo maalgashiga beeraha si kor loogu qaado kobcinta ilaha dhaqaalaha dalka, waxaana uu socon doonaa muddo laba cisho ah.