Xeeldheereyaasha dunida ee aqoonta u leh arrimaha militariga iyo sirdoonka ayaa si weyn u fallanqeynaya weerarkii ballaarna ee Iran ay saaacado ka hor ku qaaday maamulka Israa’iil.
Qubarada ayaa tilmaamay in weerarkani uu gebi ahaanba ka duwanaa midkii bilo ka hor ay Iran qaaday, ayadoo tilmaamay in boqolkiiba 80 gantaalladii ay ciidamada Iran rideeni ay ku guulaysteen inay ku dhacaan goobihii loogu talo-galay, halka boqolkiiba 30 ay Israa’iil ka hortagtay.
Weerarkan oo la sheegay inuu jawaab u yahay dilkii Ismaaciil Haniyeh ayaa yimid muddo dheer oo aamusnaan ah ka dib, taas oo keentay in Israa’iil ay aamintay in Tehran aanay wax aargoosi ah sameyn doonin.




From the comments