U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga oo howgal ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha hoose

Ciidanka Xoogga dalka,  gaar ahaan Guutada 7aad ee Qeybta 12-ka April, ayaa howlgallo ka dhan ah kooxda  Alshabaab ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha hoose, gaar ahaan wadada xariirisa balli-doogle iyo Afgooye.

Howlgalkan ayay ciidamadu ku  bur-buriyeen baro iyo fariisimo ay Alshabaab halkaas ku lahaayeen sida ay sheegtay warbaahinta Afka ciidamada qalabka sida ku hadashaahi.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayey Taliyaha Guutada 7aad ee Ciidanka Xoogga  G/dhexe Axmed Cabdi Cali “Axmed Gaashaan” oo ay wehliyaan Taliye Ku-xiggeenka Guutada iyo Saraakiil kale.

Deegaanada howlgalka laga sameeyey, ayaa waxaa kamid ah Baqdaad, Doonka, Kaxaroow, Jambaluul, Doon dheere, God doofaar, Baladul-amiin, Warmaxan, Tixsiile iyo deegaano kale.