U bood dhigaalka

Dowladda Turkiga oo diyaarisay Markab shidaal ka baaraya Soomaaliya iyo xilliga uu soo dhaqaajinayo oo ay shaacisay

Sheeko:War

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, ayaa shaacisay in markabkeeda cilmi-baarista ee Oruç Reis uu qorsheynayo inuu u baxo Soomaaliya maalinta Axadda ee soo socota si uu uga howlgallo howlaha cilmi barista shidaalka.


Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga Alparslan Bayraktar wuxuu xusay in safarkaan uu ka dambeeyo heshiis dhexmaray Turkiga iyo Soomaaliya oo ku saabsan baaritaanka kheyraadka hydrocarbons ee saddex xayndaab oo badda ah.


Heshiiskan ayaa la dhammeystiray bishii Luulyo, waxaana Turkiga uu haystaa xuquuqda gaarka ah ee baaritaanka iyo soo saarista shidaalka Soomaaliya goobaha loo qorsheeyay in laga soo saaro shidaalka ee ku yaalla Soomaaliya.


Saddex qeybood ayuu turkiga ka baari doonnaa shidaalka laba ka mid ah waxa ay ku yaallaan meel qiyaastii 50 kiilomitir u jira xeebta Soomaaliya, halka xayndaabkii saddexaad uu ku yaal 100 kiilomitir badda.


Markabka Oruç Reis wuxuu sameyn doonaa cilmi baaris ah aad muhiim u ah oo socon doonta muddo bilaha ah,” taasoo suuragal noqon karta in laga helo kheyraad, sida uu sheegay wasiirka.
Bayraktar ayaa ku tilmaamay heshiiskan yahay “tallaabo taariikhi ah” labada dal, wuxuuna sheegay in markabka la socon doonaan 50 qof oo shaqaale ah iyo shan markab oo taageero ah inta uu u socdo Soomaaliya.


Turkiga ayaa haysta doon noocyo badan oo loogu talagalay baaritaanka iyo soo saarista kheyraadka badda, oo ay ka mid yihiin Oruç Reis iyo Barbaros Hayreddin Paşa, iyo sidoo kale doonyaha qodista sida Fatih, Yavuz, Kanuni, iyo Abdülhamid Han.