U bood dhigaalka

Dalka ay kasoo jeeddaan 48 qof oo dooni kula degtay Jabuuti oo la shaaciyay

Dowladda ayaa ayaa xaqiijisay in dhammaanba muhaajiriintii 48 ahaa ee noloshooda ku waayay xeebaha Jabuuti ay ahaayeen mudwaadiniin Itoobiyaan ah.

Sida ay sheegtay Safaaradda Itoobiya ee dalka Jabuuti Dhacdadan, oo dhacday 01 October 2024, ayaa waxaa sababay kadib markii ay quuseen labo doomood oo aad u buux-dhaafay kuwaasoo ay saarnaayeen 320 muhaajiriin ka yimid Yemen oo Jabuuti kusoo jeeday.

Waxa sheegtay in hannaanka xaqiijinta goobta uu shilku ka dhacay uu muujinayo in “dhammaanba muhaajiriinta ku dhintay shilkan ay ahaayeen Itoobiyaan.” waxay sidoo kale sheegtay in dadka gaaraya 197 ee ka badbaaday shilkaas lasoo badbaadiyay lana geeyay xerada qaxootiga caalamiga ah ee ku taalla Obock.

Safaaradda ayaa sheegtay sida ay uga murugeysan tahay dadka noloshooda ku waayay shilkaas waxayna intaa raacisay in weli dadaallada baadigoobka ay socdaan oo weli la baadi-goobayo 75 tahriibayaal kale oo la la’yahay.