U bood dhigaalka

Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigey dhallinyaro ciyaal wareeranimo lagu eedeeyay

Booliska Soomaaliya ayaa gacanta ku soo dhigey koox dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay falal nabad-gelyada lid ku ah, islamarkaana Boolisku ay tilmaameen inay ciyaal weero yihiin.

War ka soo baxay Ciidanka booliska ayaa lagu yiri sidan “Ayadoo La fulinaayo  Amarka Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusmaan Cabdulahi ee ahaa in  laga Hortago waxkasta oo keeni kara Qalqal Amni Bulshadana  dhibaata ah waxaa caawa fiidkii   Howlgal ay sameeyeen Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Qeyta Guud ee Boliiska Gobalka Banaadir  lagu soo qabtay eedeysanayaal ciyaal wareero ah, oo gaaraya 24 dhalinyaro ah kuwaas oo galabtay Garoonka ciyaaraha Eng Yariisoow ka geestay falal ammniga liddi ku ah, kana baxsan xeerarka taageerayaasha ciyaaraha.

Waxaana ku socota baarista Boliiska waxaana la horgeydoonaa Maxalmadda Awooda u leh.

Digniin

Waxaa looga digayaa dhalinyarada usoo daawashataga ciyaaraha Dagamooyinka Gobalka Banaadir in ay ka fogaadaan falal Ammni darada ah ilaaliyaana xasiloonida ciyaaraha iyo xeerarka u yaala”.