U bood dhigaalka

Madaxweynaha Turkiga oo ka qeyb galay Sagootinta markabka Shidaalka ka baaraya Soomaaliya

Sheeko:War

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan , Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Mudane H.E. Abdirizak Omar Mohamed, Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar, iyo Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya ayaa ka qeybgalay xaflad sagootin ah oo loo sameeyay markabka Oruç Reis, kaasoo kusoo jeedda Soomaaliya.

Sida ay sheegeen Warbaahinta Turkiga Markabkan sahminta (seismic) ayaa maanta kasoo dhaqaaqay Dekedda Filyos ee Zonguldak, isagoo mari doona jidka Mediterranean-ka, Kanaalka Suez, iyo Badda Cas.

Wuxuu soo gaari doonnaa meel u dhow biyaha Soomaaliya dhammaadka bisha Oktoobar, iyadoo safarka la filayo inuu qaato qiyaastii 19 maalmood.

Marka uu Oruç Reis yimaado Soomaaliya, wuxuu fulin doonaa baaritaan 3D seismic oo ka kooban 15,000 km², hawlgalkuna wuxuu socon doonaa qiyaastii toddoba bilood.

Inta lagu jiro waqtigan, markabku wuxuu ururin doonaa xog muhiim ah oo ku saabsan sahminta saliidda iyo gaaska dabiiciga ah, waxaana xogta la ururiyey loo diri doonaa Ankara si loo falanqeeyo, taasoo hagi doonta hawlaha qodista ee mustaqbalka.

Oruç Reis, oo dhererkiisu yahay 87 mitir iyo ballaciisu yahay 23 mitir, waa hanti muhiim ah oo ka mid ah dadaallada sahminta badda ee Türkiye.

Hawlgalkan wuxuu ballaarinayaa khariidadda sahminta, wuxuuna furayaa xiriir cusub oo ka dhexeeya Türkiye iyo Soomaaliya, si wadajir ah loogu sahmiyo keydka gaaska dabiiciga ah iyo saliidda.