U bood dhigaalka

Sooyaalka wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Cabdulle Shuuke oo dhowaan geeriyooday

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, ehellada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya Marxuum Cabdiraxmaan Cabdulle Shuuke.

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun Alle ha u naxariisto Wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya Marxuum Cabdiraxmaan Cabdulle Shuuke waxuu kaalin mug leh kasoo qaatay horumarinta Waxbarashad dalka iyo dowlad-dhisk.’’

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryay Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Sidoo kale masuuliyiin kale oo isugu jira kuwa hadda xilal haya iyo madax hore ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid wasiir hore Cabdiraxmaan Cabdulle Shuuke oo kaalin ka soo qaatay hormarinta Waxbarashada Soomaaliya iyo dib u dhiska dowlidnimada dalka.

Mas’uulkan oo jimcihii la soo dhaafay magaalada Nairobi ku geeriyooday ayaa laba jeer soo moqday wasiirka waxbarashada dalka xilligii dowladdii kacaanka, asagoo sidoo kale ahaa wasiirkii ugu dambeeyay ee wasaaradda Qorshaynta ka hor burburkii.


Wareysi uu bixiyay ayuu ku sheegay inuu magaalada Eyl ee gobolka Nugaal ku dhashay sanadkii 1937-dii, asagoo tilmaamay inuu halkaas ka billaabay waxbarashadiisa, intaas ka dibna uu noqday macallin wax ka dhiga dugsiyada deegaanka.

Cabdiraxmaan Cabdulle Shuuke Allaha u naxariistee wuxuu sheegay in ardayda uu wax soo baray uu kamid ahaa Madaxweynihii hore ee dowlad gobololeedka Puntland mudane Mudane Cabdiraxmaan faroole oo hadda ah Senator ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee Cabdiraxmaan Cabdulle Shuuke Allaha u naxariistee wuxuu hormarinta waxbarashada Soomaaliya ku howlanaa in ka badan 70 sano, asagoo xil ka billowday heer macallin dugsi hoose dhexe ilaa wasiir waxbarashona shaqo qaran oo sidii silsiladda u xariirsan dalkiisa ugu soo adeegsaday.