U bood dhigaalka

Ugu yaraan 6 Askari oo ka tirsan militariga Pakistan oo lagu diley iska  hor-imaadyo ka dhacay galbeedka dalkaas

Lix askari oo Pakistani ah iyo ugu yaraan 8 fallaago ah ayaa lagu dilay laba iska horimaad oo ka dhacay waqooyi galbeed, sida uu sheegay milatarigu.

Garabka warbaahinta milatariga ayaa Sabtidii sheegay in Gaashaanle Sare Muhammad Ali Shoukat uu ka mid ahaa lix askari oo lagu dilay dagaal habeen hore ka dhacay degmada Waqooyiga Waziristan ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa oo ay weheliyaan lix fallaago ah.

“Ciidamada ammaanka ee Pakistan waxaa ka go’an inay tirtiraan khatarta argagixisanimada, naf-hurnimada askarteena geesiyaasha ahina waxay sii xoojinaysaa go’aankeenna,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska Xiriirka Dadweynaha ee militariga Pakistan.

Ciidamada ayaa sheegay in howlgal gaar ah ay ku dileen labo ka mid ah mucaaradka deegaanka Swat oo ka tirsan degmada kale ee Khyber Pakhtunkhwa, kuwaas oo Mid ka mid ah la sheegay inuu ku lug lahaa weerar bishan gudaheeda lagu qaaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen qaar kamida safiirada dalalka shisheeye.

Iska hor-imaadyada militariga Pakistan iyo kooxaha xagjirka ah ayaa si joogto ah uga dhaca qaar kamida gobollada dalkaas, Wasaaradda Arrimaha Guduhuna waxay sheegtay in  sanadkii la soo dhaafay ee 2023 oo kaliya, 930 qof oo isugu jira ciidamada qalabka sida iyo dad kale ay ku naf waayeen falalka argagixisanimo, qiyaastii 2,000 oo qofna ay ku dhaawacmeen.