Dhinacyada ku dagaalamaya Suudaan oo maanta ku kulmaya dalka koonfur Afrika
Dhinacyada ku dagaalamaya dalka Suudaan ayaa maanta isku soo hor fariisanaya kulan ku saabsan nabadda oo ka dhaca Magaalada Johannesburg ee dalka koonfur Afrika.
Wafdiga dowladda ayaa waxaa hoggaaminaya madaxweyne ku xigeenka Golaha Sare ee ciidamada Suudaan Malik Aqar Air, halka dhinaca RSF uu hor kacaya abaanduulahooda janaraal Mohammed Hamdan Dagalo.
Labada dhinac oo ka wada ka qeyb-galaya shirka sanadlaha ah ee Madasha Nabadda iyo Amniga Afrika oo ay Hay’adda Mbeki ku qabanayso dalka Koonfur Afrika ayaa la filayaa inay kulan toos ah yeelan doonaan.
Dowladda Suudaan ayaa dhaliishay marti-qaadka hoggaamiyaha fallaagada RSF uu kaga qeyb-galaya Madasha Nabadda iyo Amniga Afrika sida ay sheegtay Wakaalladda Wararka SUNA, balse dhexdhaxaadiyaasha ayaa isku dayay inay labada dhinac kulansiiyaan.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli dagaalka Suudaan oo uu sanadkii labaad socda, islamarkaana ciidamada dowladdu ay dib u qabsanayaan meelo badan oo ay magaala-madaxda Khartoum kamid tahay.