Ruushka ayaa ku dhawaaqay inuu liiska argagixisada ka saaray ururka Daalibaan ee maamula dalka Afgaanistaan, asagoo go’aankaas ku tilmaamay mid muhiim ah oo mudnaa in mar hore la gaaro.
Zamir Kabulov, oo ah ergeyga Ruushka u qaabilsan Koonfurta Aasiya, ayaa wakaaladda wararka ee TASS ay ka soo xigatay in wasaaradda arrimaha dibadda iyo hay’adaha nabad-gelyada qaranku Ruushku ay dhameynayaan taabasho sharci ah oo ku saabsan sidii daalibaan looga saari lahaa liiska kooxaha argagixisada ah.
“Waxaan rajeyneynaa, go’aanka ugu dambeeya ayaa lagu dhawaaqi doonaa dhawaan.” ayuu yiri Danjire Kabulov.




From the comments