U bood dhigaalka

Maxaa ka soo kordhay xaaladda  Caafimaad ee boqorka Sucuudiga ?

Boqorka Sacuudiga ayaa Axaddii la dhigey isbitaal ka dib markii xanuun dhinaca sanbabada ahi uu ku soo booday, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dowladda oo soo xiganeysa bayaan ka soo baxay maxkamadda boqortooyada.

Wararkii ugu dambeeyay ee ku saabsan xaaladda Boqorka ayaa sheegaya in hadda bedqabkiisu uu wanaagsanyahay, ka dib muddo saacado ah oo lala tacaalayay.

Boqor Salmaan bin Cabdicasiis oo 88-jir ah ayaa la daalaa-dhacaya xanuunno joogto ah oo bukaan socad ka dhigey, bishii May ee sanadkan ayaana laga daweeyay caabuq dhinaca wadnaha ah.