U bood dhigaalka

Muwaadiniin u dhashay Shiinaha oo lagu diley weerar argagixiso oo ka dhacay dalka Pakistan

Safaaradda Shiinaha ee Pakistan ayaa sheegtay in ugu yaraan laba ka mid ah muwaadiniinteeda la dilay halka mid saddexaadna la dhaawacay ka dib markii kolonyo ay la socdeen lagu weeraray meel u dhow garoonka diyaaradaha ee Karachi.

Safaaradda ayaa sheegtay in weerarku uu ka dhacay meel ku dhow garoonka caalamiga ah ee Jinnah, waxaana lala beegsaday shaqaale u dhashay Shiinaha oo u shaqeynayay shirkadda Koronto oo maxalli ah.

Shabakadda Geo News ayaa sheegtay in ugu yaraan 10 qof ay ku dhaawacmeen weerarka, waxayna safaaradda Shiinuhu dowladda Pakistan ka dalbatay inay dhacdadan baaritaan ku samayso.

Weerarrada ay geysanayaan kooxaha hubaysan ee dowladda ka soo horjeeda ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay ku soo badanayay dalka Pakistan, waxayna ciidamada nabad-gelyadu ballanqaadeen inay falalkaas gacan bir ah uga hortagi doonaan.