U bood dhigaalka

Baarlamaanka dalka Kenya oo xilka ka qaaday madaxweyne kuxigeenka dalkaasi

Sheeko:War

281 xildhibaan ay u codeeyay mooshinka xilka looga qaaday Masuulkaas, waxaa diiday 44 Xildhinaan halka uu ka aamusay 1 Xildhibaan.

Guddoomiyaha baarlamaanka, Moses Wetangula, ayaa toddobaadkii hore ku wargeliyay baarlamaanka mooshinka oo ku saleysan 11 sababood oo xil ka qaadistiisa ah.

maanta, iyadoo la raacayo habraacyada baarlamaanka Kenya, xildhibaanka mooshinka waday ayaa ugu yaraan hal saac ku bixiyay soo bandhigista sababaha mooshinka, kaddibna xildhibaannada ayaa dood ka yeeshay.

Isniintii galabnimadii, Gachagua ayaa kula hadlay suxufiyiinta hoyga ku xigeenka madaxweynaha ee Nairobi, halkaas oo uu ku ballanqaaday inuu dagaal adag kala hor tagi doono mooshinka xil ka qaadista oo uu ku tilmaamay mid siyaasadeysan.

Sababaha xil ka qaadistiisa loo cuskaday waxaa ka mid ah eedeymo sheegaya in Gachagua uu door ku lahaa mudaaharaadyadii ka dhanka ahaa dowladda ee dalka ka dhacay saddex bilood ka hor.

Sababaha kale waxaa ka mid ah: eedaymo musuqmaasuq, qabyaalad, iyo inuu ku xad-gudbay madaxweynaha isaga oo sameeyay hadallo ka hor imaanaya kuwa madaxweynaha iyo inuu wax kama jiraan ka dhigay go’aammada golaha wasiirrada