Qatar ayaa ugu baaqday bulshada caalamka inay sii wadaan oo kordhiyaan bixinta gargaarka bani’aadminimo iyo horumarineed iyo caawinta farsamo si loo xoojiyo dadaallada dhisidda awoodda xuquuqda aadanaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo fulinta waajibaadka qaran iyo kuwa caalami ah iyada oo la waafajinayo mudnaanta qaranka.
Arrintan ayaa lagu sheegay bayaan uu soo jeediyey Xoghaye Saddexaad ee Waaxda Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Turki Mohammed Abdullah al-Khalifa, inta lagu guda jiray wadahadal is-dhaafsi ah oo lala yeeshay Khabiirka Madaxa Bannaan ee arrimaha xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.
Al-Khalifa ayaa ammaanay dadaallada iyo horumarka dowladda Soomaaliya ee dhinacyada kala duwan si loo wanaajiyo xaaladaha bani’aadminimo, dhaqaale, iyo bulsho ee dalka, iyo sidoo kale dagaalka ay ku jirto ee ka dhanka ah caqabadaha waaweyn sida argagixisada, saameynta isbedelka cimilada, abaaraha, fatahaadaha, iyo sugnaanta cunnada.




From the comments