Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo ka warbixiyay halka uu marayo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa faahfaahin ka bixiyay halka uu marayo Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa la wadaagay bulshada guulihii laga gaaray Madasha Golaha Wadatashiga Qaran.
Waxaa sheegay in Shirka looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin Dib u heshiisiinta, la dagaalanka Kooxda Shabaab iyo Arrimaha Doorashooyinka.
Waxaa sheegay in uusan fashilmin shirka , islamarkaana Golaha wadatashiga qaran hadda ay ku maqan yihiin wadatashiyo ay la yeelanayaan qeybaha kala duwan ee bulshada.
Wuxuu xusay in markii wadatashiga ay soo dhameeyaan in ay dib isugu soo laaban doonaan ka dibna laga soo saari doono go’aano guud.
Hadalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa yimid ka dib markii Madaxweynaha Jubbaland uu dib ugu laabtay Kismaayo.