Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar sare u soo xiray 150 Saraakiil-xigeen iyo 200 Leyli-sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda tabbarrada gudaha dalka, iyadoo saraakiishan la baray xirfadda hoggaamineed, qorsheynta hawlgalka, iyo aqoonta dagaalka, si loo dhammaystiro dib u xoreynta dalka iyo sugidda amniga.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyay ciidamada dadaalkooda iyo geesinimadooda, waxa uuna adkeeyay in guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada uu ku yimid isku-duubnida iyo naf-hurnimada ciidamada Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed.




From the comments