U bood dhigaalka

Nin doonayay in maalinka doorashada Mareykanka uu weerar geysto oo gacanta lagu dhigay

Sida ay sheegtay Hey’adda FBI-da Marykanka waxa ay soo xirtay nin u dhashay dalka Afgaanistaan oo ay saraakiishu sheegeen in uu taageersanyahay Ururka Daacish.

Ninkan ayay FBI-du sheegtay in uu qorsheynayay weerar uu ka geysto bar tilmaameedyo ku yaala Mareykanka maalinta doorashada dalka ay ka dhaceyso ee 5-ta bisha soo socota ee November.

Wasaaradda Cadaaladda Mareykanka, ayaa sheegtay in ninkan oo ku nool magaalada Oklahoma ee Mareykanka ayaa lagu magaaabaa Nasir Ahmad Tawhedi, da’diisuna waa 27 sana jir.

Saraakiisha FBI-du waxay sheegeen in ninkan uu todobaadkii la soo dhaafay qaaday talaabooyinka qeyb ka ah u diyaar garowgiisa weeraro uu geysto.

Waxay sheegeen inuu dalbaday qoriga AK-47, isla markaana uu xaraashay alaabadii qoyskiisa, isla markaana uu tikit u gooyay xaaskiisa iyo cunug yar oo uu dhalay si ay ugu safraan dalka Afganistan.