Tan iyo markii ay qaraxday xiisadda u dhexaysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiish ku sheeggii xadgudubka ahaa ee maamulka Abii Axmed uu la galay Soomaaliland, jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay samaysay dadaallo mira-dhalay oo guulo waaweyn horseeday.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay inay xoojiso xariirka ay la leedahay dhammaan dalalka geeska Afrika iyo kuwa kale ee dunida, markii laga reebo maamulka damaca gurracan ee Abii Axmed.
Dowladda Soomaaliya ayaa hanatay saaxiibtinimada iyo kalsoonida dalalka muhiimka ah ee dunida, gaar ahaan kuwa geeska Afrika sida Jabuuti, Eritrea, iyo Kenya, sidoo kale dhaqanka deriska wanaagga iyo dublamaasiyadda ixtiraamku astaan u yahay ku suntan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo jiitay dareenka dalalka iyo ururrada Caalamiga ah.




From the comments