U bood dhigaalka

Soomaaliya oo ka mid noqotay Shanta dal ee ugu badan ee Fuliya xukunka dilka ah

Sheeko:War

Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa hogaaminaysa dalalka ugu badan ee xukuma dilka, iyadoo ay ku fulisay 74 boqolkiiba dhammaan dilalka xukunka dilka ee la diiwaan geliyay, sida ay sheegtay Midowga Yurub (EU) xuska Maalinta Yurub iyo Adduunka ee Ka Dhanka ah Dilka, oo la qabtay Oktoobar 10.

Bayaanka wadajirka ah ee ka soo baxay Wakiilka Sare ee Midowga Yurub, Josep Borrell, iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Yurub, Alain Berset, ayaa lagu cambaareeyay xukunka dilka in uu yahay fal bini’aadantinimada ka baxsan, bahdilid iyo ciqaab, taas oo u taagan diidmo buuxda oo ka dhan ah sharafta aadamiga.

Xuska munaasabadda awgeed, Midowga Yurub iyo Golaha Yurub ayaa si adag ugu adkeystay diidmadooda aan shaki lahayn ee ka dhanka ah xukunka dilka ama dib-u-soo celintiisa, xitaa xaalad kasta oo ku timaada.

Waxay ku sheegeen bayaanka: “Waxaan soo dhaweyneynaa taageerada sii kordheysa ee caalamka oo dhan ee ku aaddan baabi’inta xukunka dilka.

“In ka badan laba meelood saddex meel dalalka adduunka ayaa baabi’iyay xukunka dilka, ama sharciga ahaan ama ficil ahaan. Sannadkii la soo dhaafay, tirada dalalka fuliyay dilalka ayaa gaartay heerkii ugu hooseeyay ee la diiwaangeliyo. Inkasta oo isbeddelkan loo socdo baabi’inta dilka, haddana wali waxaa xukun dil ah laga fulinayaa dalal kala duwan,” ayaa lagu yiri bayaanka wadajirka ah.

Sida ay sheegeen Golaha Yurub iyo Midowga Yurub, shanta dal ee ugu badan ee xukunka dilka ka fuliyay waxay kala ahaayeen Shiinaha, Iiraan, Sacuudiga, Soomaaliya, iyo Maraykanka.

Warbixinno ayaa tilmaamaya in Iiraan ay kaligeed ka dambeysay 74 boqolkiiba dhammaan dilalka la diiwaan geliyay.

Isticmaalka nitrogen hypoxia, oo ah hab dil muran dhaliyay oo ka socda Maraykanka, ayaa lagu tilmaamay arrin walaac weyn leh. Golaha Yurub ayaa xusay in Belarus ay tahay dalka kaliya ee ku yaalla qaaradda Yurub ee weli fulisa xukunka dilka.

Dhanka kale, hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in saddex dal oo ku yaalla Saxaraha Afrika ka hooseeya oo tixgelinaya inay ka laabtaan xukunka dilka, ay hadda tahay xilligii ay tallaabo qaadi lahaayeen oo gebi ahaanba meesha ka saari lahaayeen xukunka dilka, si waddamada kale ee adduunka ay raacaan.

Kenya iyo Zimbabwe ayaa hadda horyaalla hindise-sharciyeedyo la doonayo in dhammaan dembiyada laga baabi’iyo xukunka dilka, halka Gambia, oo horumar joogto ah ka samaysay arrintan tan iyo 2017, ay billowday hab-raac sharci oo ka mid tahay in si buuxda meesha looga saaro xukunka dilka.

Amnesty International waxay sheegtay in sanadkii 2023 ay diiwaangelisay 1,153 dil, taas oo ah koror dhan 31 boqolkiiba (270 dilal dheeri ah) marka loo eego 883 dil oo la diiwaangeliyay sanadkii 2022. Waxay sheegtay in sanadkii 2023 uu sii waday isbeddel walaac leh oo ku saabsan kordhinta dilalka Iiraan iyo Sacuudiga, go’aanka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ee ah in dib loo bilaabo dilalka, iyo Maxkamadda Sare ee Taiwan oo ku guuldareysatay inay meesha ka saarto xukunka dilka.

Soomaaliya oo dal Islaam ah. Waxaa lagu dhaqaa Diinta Islaamka. taasoo jideysay in qofkii qof dila si kas ah loo dilo si umadda loo kala badbaadiyo.