Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in duqeymo ay milatariga Isra’il ka geysteen Marinka Gaza lagu dilay ugu yaraan 29 Falastiiniyiin ah, xilli ciidamada Isra’il ay ku sii siqayaan gunta xerada qaxootiga Jabaaliya iyo hareeraheeda oo maalmihi lasoo dhaafay ay howlgallo ka wadeen.
Hay’addaha caafimaadka ayaa sheegaya in kumannaan qof ay ku go’doonsanyihiin Jabaaliyah isla markaana ay jirto cabsi ah in marka ciidamada Isra’il halkaasi ka baxayaan ay jiri karaan khasaaro lixaad leh oo soo gaara rayidka.
19 qof ayaa lagu dilay gelinki danbe ee shalayna 10 kale lagu dilay laba duqeyn oo ay ciidanka Isra’il ku bartilmaameedsadeen xerooyinka Jabaaliya iyo Nuseyraat ee bartamaha Gaza. Tirada dhimasahda ayaa laga cabsi qabaa in ay kororto.




From the comments