U bood dhigaalka

Khasaare xooggan oo dhashay qarax ka dhacay koonfurta magaalada Xayfa ee Israa’iil

Wararka ka imaanaya deegaanka nimyaami ee koonfurta magaalada Xayfa oo ka tirsan dhulka ay maamusho Israa’iil ayaa sheegaya in ugu yaraan 3 qof ay ku dhinteen qarax culus oo halkaas ka dhacay sidoo kale dhaawacyada qaraxaas ka dhashay ayaa gaaraya 39 qof sida warbaahinta ay warinayso.

Inkastoo warbaahinta gudaha Israa’iil aanay sheegin sababta rasmiga ah ee qaraxa keentay, haddana waxaa la rumaysanyahay inuu ka dhashay duqeymo gantaallada ah ee ururka Xisbullaahi uu aggaas ka wado.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu meel adag maraya dagaalka maamulka Israa’iil iyo ururka Xisbullaahi, islamarkaana duqeymo gantaallada ah ee Xisbullaahi ay sida roobka ugu dhacayaan gudaha koonfurta iyo Bartmaha Israa’iil.