U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo diiday xilka xayuubintii lagu sameeyay

Sheeko:War

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BJFS in uu ku kacay falal aan waafaqsaneyn sharciga, talo-maroorsi iyo gabood-fallo ka hor imaanaya hannaanka doorashada xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka 11aad, Dastuurka Qaranka, iyo xeer-hoosaadka Golaha Aqalka Sare.

Waxaa uu diiday islamarkaana sharci daro ku tilmaamay xilka Xayuubintii shalay ay ku sameeyeen Golaha Aqalka Sare.

Warsaxaafadeed uu soo saaray ayaa siddaan u qornnaa.

Aniga oo ah Senator Saalax Axmed Jaamac waxa aan halkan ku caddeynayaa in Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Senator Cabdi Xaashi Cabdillaahi, uu ku kacay gabood-fal, talo-maroorsi, iyo sharci-darro baalmarsan hannaanka lagu soo doortay, xilka na ay ku waayi karaan Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka 11ad, Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha Aqalka Sare, sababahan hoos ku xusan datreed:

  1. Waxaa wax lala yaabo ah in uu Guddoomiyuhu isku dayo in uu si qaawan o0 baalmarsan Dastuurka iyo Shuruucda dalka ugu dhiirrado soo saarista wareegto sharci- darro ah oo uu xilka uga qaadayo Senator la doortay, qof shacab ahna uu ku magacaabayo.
  2. Waxa aan bogaadinayaa mudanayaasha Golaha Aqalka Sare oo si aqlabiyad ah ku diiday tallaabadii sharci-darrada ahayd ee Guddoomiyuhu ku kacay.
  3. Waxaa iyana ayaan-darro ah in Guddoomiyaha Aqalka Sare uu soo saaro go’aan shakhsi ah oo baalmarsan go’aankii Golaha Aqalka Sare ku diiday soo-jeedintiisii gurracnayd. Ma jiro Senator awood u leh in uu Golaha ka saaro Senator kale.
  4. Guddoomiyuhu waxa uu si badheedh ah uga been sheegay in aan ka maqnaa dhammaan Kulamadii Baarlamaanka, iyada oo aan ka qaybgalay Kulamo Golaha Aqalka Sare ah iyo Kulamo Wadajir ah oo uu yeeshay Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
  5. Maadaama aan ahay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa i saaran mas’uuliyad fulineed oo baaxad weyn, taas oo aan ii suuragelinayn in aan ka qaybgalo kulan kasta oo uu yeelanayo Golaha Aqalka Sare. Waxa xusid mudan, in aan mar walba ku maqnaa sabab maangal ah si waafaqsan Dastuurka Federaalka Soomaaliya Qodobka 59aad Faqrada (d), iyo Xeer-Hoosaadka Golaha Aqalka Sare Qodobkiisa 9ªad Farqadiisa 4and

Sidaa daraadeed, waxa aan ummadda Soomaaliyeed u caddeynayaa warqadda uu soo saaray Senator Cabdi Xaashi ee sumaadeedu tahay GAS/B-11/17/24 ee ku taariikhaysan 12/10/2024 in aanay lahayn saldhig sharci, ay na tahay waxba kama jiraan.