Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo dhagax dhigay mashruuca dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha ee Stadium Muqdisho, ayaa sheegay in dhismaha mashruucan uu qeyb ka yahay dadaallada Xukuumadda DanQaran ee horumarinta isboortiga iyo dhallinyarada Soomaaliyeed.
Qeybaha dib-u-dhiska lagu sameynayo ee maanta la dhagax-dhigay oo ka kooban, dayactirka garoonka kubadda cagta, iyo dib-u-dhiska qqeybaha koleyga, dabaasha, orodka iyo qeybo kale, ayaa waxaa maalgashanaya shirkad ay leeyihiin dhallinyaro Soomaaliyeed.
Ra’isul Wasaaraha, ayaa xusay in dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha ay qeyb weyn ka qaadan doonto horumarka dalka iyo bilicda caasimadda, isla markaana ay xoojinayso shaqo abuurka dhallinyarada, dhaqaalaha iyo dalxiiska, isaga oo uga mahadceliyey Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha dadaalkeeda la xiriira horumarinta isboortiga dalka.




From the comments