U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo ka fuliyey deegaanno ka tirsan gobolka Sh/hoose

Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan Guutada 7-aad, ayaa howlgallo ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, halkaasi oo ay ku sugnaayeeyn xubno ka tirsan kooxda Alshabaab, sida at sheegtay warbaahinta dowladdu.

Deegaanada Ciidanku ay howlgallada ka sameeyeen ayaa waxaa kamid ah, Doonka, Tixsiile, Warmaxan, Waraaboole iyo kuwa kale, waxaana Ciidanka ay Bur-Buriyeen goobo fariisimo u ahaa kooxda Alshabaab, sida laga soo xigtay Taliyaha guutada 7-aad ee Ciidanka Xoogga dalka gaashaanle dhexe Axmed Cabdi Cali.

Howgalkan ayaa qeyb ka ah gulufka ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee ay wadaan ciidanka xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta oo kaashanaya xoogagga deegaanku.