U bood dhigaalka

Maxaa ka soo kordhay weerarkii Xisbullaahi ee magaalada Binyamina oo aad u kordhay ?

Wararka ku saabsan weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ururka Xisbullaahi uu ku qaaday Magaalada Binyamina ee waqooyiga Israa’iil ayaa sheegaya in tirada dhimashadu ay hadda 5 qof ku dhowdahay, halka dhaawacyaduna ay 60 kor u dhaafeen.

Ururka Xisbullah ee Lubnaan ayaa sheegay in ay la beegsadeen xero milatari oo ay Israa’iil leeyihiin ciidamada Israa’iil, ayadoo weerarkaas u adeegsaday raxan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah.

War qoraal ah oo ay soo saartay kooxda Xisbullaahi ayaa lagu sheegay in ay tiro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah ku weerari saldhig ay leedahay guutada Golani oo kamid ah shanta guuto ee ugu tababarka sarreeya ciidanka lugta Israa’iil, taas oo loo arko unugga ugu awoodda badan xoogagga dhulka kumaadoosta Israa’iil.

Weerarkan ayaa lagu tilmaamay mid kamida Kuwii ugu khasaaraha badnaa ee Israa’iil ay muddooyinkaan la kulanto, wuxuuna daboolka ka qaaday awoodda aan la dhayalsan karin ee ururka Xisbullaahi.