U bood dhigaalka

Muxuu salka ku hayaa khilaafka guddoomiyaha aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dhowaan mid kamida kulamada golaha ka sheegay in Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac uu lumiyay xubinnimadii aqalka sare, islamarkaana muddo labo sano ka badan aanu soo xaadirin kalfiyada Baarlamaanka, sidaa darteedna kursigiisa loo dhaarinayo mudane Ibraahim Iidle Suleymaan oo ahaa tartamihii ku xegay xilligii doorashada.

Soo jeedinta guddoomiyaha waxaa si adag u diiday mudaneyaasha golaha, ayagoo ku tilmaamay mid sharciga baalmarsan, guddoomiyuhu’se dhankiisa wuxuu cuskasay qodobo kamid ah Dastuurka dalka oo qeexaya sida lagu weyn karo xubinnimada Baarlamaanka, kuwaas oo ay qeyb ka tahay ka maqnaashaha laba kalfadhi oo xariir ah.

Inkastoo xil ka Qaadista senator Saalax Axmed Jaamac oo ah Ra’iisul Wasaare ku xegeenka dalka ay mudaneyaashu goluhu is hortaageen, haddana wuxuu guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ku eedeeyay inuu doonayo inuu wareegto ku badalo senator la soo doortay, islamarkaana uu si sharciga baalmarsan ku magacaabayo qof shacab ah.

Haddaba Ra’iisul Wasaare ku xegeenku sgarci ahaan ma lumiyay kursigiisii Aqalka Sare?

Sida uu Dastuurka Soomaaliya qabo jagada Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ama midda wasiirka xubinnimada baarlamaanka laguma waayo oo ma ahan sida agaasimeyaasha iyo Taliyaasha ciidamada, kuwaas oo markii la magacaabo horay ka luminaya xubinnimadii Baarlamaanka, balse maqnaashaha laba kalfadhi ayaa gundhig u ah doodda guddoomiye Cabdi Xaashi.

isla qodobkan  haddii la cuskanayo mudaneyaasha aqalka Sare ayaa ku dooday inay qasab tahay inay cod gacan taag ah la adeegsado haddiiba go’aan laga gaarayo xubin kursiga lumisay, sidoo kalena loo baahanyahay in kursigaas doorashadiisa mar kale la qabto sida uu qabo senator Cismaan Dubbe.

ka maqnaashaha kalfadhiyada xariirka ah ee golaha ayaan ahayn mid ku kooban Ra’iisul Wasaare ku xegeenka waxaana jira senatorro aan kulamada golaha soo xaadirin labadii sanoo la soo dhaafay sida ay mudaneyaasha qaarkood sheegeen.

Sidoo kale Baarlamaankii 10-naad waxaa jira senatorro aan muddo shan sano ah soo xaadirin sida Ra’iisul Wasaarihii hore mudane Cumar Cabdirashiid oo wareysi uu goobjoog siiyay ku sheegay in shantaas sano uu dalka dibeddiisa ku maqnaa,  mushaarkiisana uu qaadanayay.

Si kastaba ha ahaatee doodda ku saabsan kursiga senator-nimo ee Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa curisay khilaaf aan la ogayn halka uu ku dhammaan doono, waana mid kamida caqabadaha ka dhasha xilalka isi saaran oo wada gudashadooda ay su’aali dul-haganayso.