U bood dhigaalka

Taliyaha ciidanka booliska oo kulan la yeeshay qaarka kamida culumada Soomaaliyeed

Sheeko:War

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa kulan la qaatay, qaar ka mid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo uu kala hadlay in ay ka qeyb-qaataan dadaalada lagu xoojinayo Nabadda, dib u heshiisiinta, wadajirka bulshada iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Kulankan oo uu ka qayb galay Taliye ku xigeenka koowaad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Cusmaan Cabdulaahi Maxamed (Kaniif) ayeey culimadu kusoo bandhigeen talooyin ku aaddan ilaalinta ammaanka dalka, dowlad dhiska  iyo la dagaallanka aragtiyada gurracan ee kooxaha Argagixisada ah.


Taliyaha ciidanka booliska oo dhowaan xilkaas loo magacaabay ayaa wada kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo masuuliyiinta laamaha nabad-gelyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.