Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyey qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay dugsiga tababarka Booliska ee Iskuul Boolisiya.
Qoraal kasoo baxay booliska ayaa lagu sheegay in 7 ruux oo isugu jira ciidan iyo Shacab ay ku geeriyoodeen qaraxa islamarkaana ay ku dhaawacmeen 6 ruux.
Boolisku wuxuu ku sheegay qoraalka in qaraxu uu ka dhacay guryo isku raran ah oo ku yaalla kasoo horjeedka barxadda halkaas oo ay ku yaallaan geedo waaweyn oo la harsado.
Faahfaahin Qarax Ismiidamin oo ka dhacay Muqdisho




From the comments