U bood dhigaalka

Faahfaahin Qarax Ismiidamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Sheeko:War

Faahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya Qarax goor dhow ka dhacay xarunta Iskuul Boolisia ee Muqdisho.

Qaraxa waxaa fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha Qarxa kasoo la sheegay in uu galay gudaha Xarunta.

Ku dhawaad 10 ruux ayaa ku dhimatay Qaraxa halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 10 ruux.

Dadka ayaa fadhiyay Maqaayad ku taalla gudaha Xarunta Iskuul Boolisia.

Iskuul Boolisia oo meel si weyn loo ilaaliyo ammaankeeda. waxaana inta badan Maqaayaddaha ku yaalla gudaha Fadhiista Saraakiisha Dowladda ee Booliska.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay faraha ka baxay iyadoona ay ka dhacayeen dilal qorsheysan.