U bood dhigaalka

Guul Taariikhi Ah: Sahra Maxamed Khaliif Oo Noqotay Haweeneydii Ugu Horeysay Ee Soomaali, Muslim Ah Oo Ku Guuleysata Kursi Deegaanka Holland

AMSTERDAM — Sahra Maxamed Khaliif, oo ah gabar Soomaaliyeed oo ku nool dalka Holland, ayaa qortay taariikh cusub ka dib markii ay ku guuleysatay kursi ka mid ah gollaha deegaanka magaalada Leuven ee dalka Holland.

Sahra waxay noqotay haweeneydii ugu horeysay oo Soomaali, Muslim ah, isla markaana qaxooti soo galay ah oo jagadan ku guuleysata gobolkaasi.

Guusheeda ayaa loo arkay mid xoojinaysa matalaadda bulshada Soomaaliyeed iyo guud ahaan soogalootiga ku nool Holland, taas oo ka mid ah dadaallada lagu ballaarinayo ka-qaybgalka siyaasadeed ee dadka laga tirada badan yahay.

Doorashadan ayaa timid iyadoo sii kordhaya baahida loo qabo in la xoojiyo is-dhexgalka iyo aqoonsiga kala-duwanaanshaha ee siyaasadda dalka Holland.

Sahra Maxamed Khaliif oo la hadashay VOA, ayaa muujisay farxadda iyo mahadcelinteeda. Markii la weydiiyay sida ay guushan u aragto, waxay sheegtay in ay tusaale u tahay sida bulshada soogalootiga ah ay ugu sii milmayaan, lana aqbalayo gudaha bulshada Holland.

Guushan waxay rajo gelinaysaa dhalinyarada iyo dumarka Soomaaliyeed iyo kuwa kale ee laga tirada badan yahay, si ay ugu dhiiradaan hoggaaminta iyo ka-qaybgalka siyaasadda dalka Netherlands, taas oo fursado cusub u abuuri karta bulshada kala duwan.