U bood dhigaalka

Israa’iil oo si toos ah u beegsanaysa Ciidamada nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay ee Lubnaan

Ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee ku sugan dalka Lubnaan ayaa todobaadyadii la soo dhaafay weeraro toos ah oo waxyeello  dhaawac iyo dhimasho leh sababay kala kulmay ciidamada Israa’iil.

Ciidamadan oo lagu magacaabo UNIFIL ayaa la sheegay inay wajahaan halis baaxad leh, islamarkaana Israa’iil oo aan waxba xeerinayni ay weerarro joogto ah u geysanayso saldhigyadooda iyo goobaha ay ka howl-galaan.

UNIFIL ayaa weli ku adkaysanaya inay howlgalkooda sii wataan, inkastoo ay culays kala kulmayaan weerarrada Israa’iil, waxayna dalalka ciidamadani ka soo jeedaani Qaramada Midoobay ugu baaqeen inay qaado tillaabo ay ku ilaalinayso bedqabka askartooda.