U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo sheegay in dadka ku nool caasimadda muqdisho ay hadda ka dib maamulkooda si qof iyo cod ah ku soo dooran doonaan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qayb galay munaasabad lagu soo bandhigayay hormarka ka socda Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dadka ku nool caasimaddu ay hadda ka dib maamulkooda qof iyo cod ku dooran doonaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda ay ka go’an tahay sidii bulshada caasimadda ku dhaqani u heli lahaayeen maamul ay iyagu soo doorteen, isla markaana ay horseed u noqonayaan sidii maamullada kale ee dalkuna hoggaankooda u soo dooran lahaayeen.

Waxa uu xusay Ra’iisul Wasaaruhu in caasimaddu ay lafdhabar u tahay dhaqaalaha ummadda Soomaaliyeed, sidaa awgeedna ay lagama maarmaan tahay in masuuliyadda gaara ah la iska saaro sidii ay ula tartami lahayd caasimadaha kale ee dhiggeeda ah, isaga oo ku bogaadiyey maamulka Gobalka Banaadir horumarka ay ka sameeyeen dib u dhiska, bilicda iyo kaabayaasha muhiimka ah ee caasimadda.