Saacadihii la soo dhaafay waxaa warbaahinta qabsaday xogo ku saabsan dilka hoggaamiyihii ururka maxaas yaxye Sinwaar oo ciidamada maamulka Israa’iil ay sheegeen inay ku dileen marinka Qasa, islamarkaana ay meydkiisa helaan oo xaqiijiyeen inuu asagii yahay.
Sidoo kale Mareykanka ayaa ku dhawaaqay dilka hoggaamiyahan laf-dhabarka u ahaa dagaalka wax iska caabinta ah ee Falastiiniyiinta, ayadoo madaxweyne Joe Biden iyo ku xegeenkiisuba ay arrintan siyaabo kala duwan uga hadleen.
Sheegashada dilka Yaxye Sinwaar ayaa ku kooban dhinaca Israa’iil iyo Mareykanka, Xamaasna weli kama hadlin, sidaa darteed madaxda dalalka dunida intooda badani wax war ah kama soo saarin.




From the comments