U bood dhigaalka

Warbixin: Saameynta Dilalka Ganacsatada ee Muqdisho iyo Cabsida soo wajahday

Muqdisho, Somalia – Dilalka lagu bartilmaameedsaday ganacsato ku sugnaa degmooyinka Hodan, Dayniile, iyo Hiliwaa ayaa cabsi xoogan ku beeray bulshada magaalada.

Todobo ruux ayaa la toogtay iyagoo ku guda jiray hawlahooda shaqo, waxaana dilalkaas fuliyey kooxo hubeysan oo katirsan Al-Shabaab, kuwaas oo kasoo horjeeda xirashada kaamirooyinka CCTV ee amniga suurtagaliya.

Ganacsade Xasan Cali oo ku shaqeeya dukaan ayaa tilmaamay cabsi weyn ay soo wajahday ganacsatada maadaama dukaamadoodii lagu dhex beegsanaayo.

“Markaan aragno ganacsato la laayay , waxaan dareemaynaa in nolosheena halis weyn ku jirto. Ma hubno inaan ganacsiyada furan karno subaxda xigta,” ayuu yiri Xasan.

Saameynta Dilalka iyo Cabsida Ganacsatada

Sida ay aaminsan yihiin Khubarada dhaqaalaha waxaa ka dhalan karta saameyn weyn beegsiga ganacsatada waxaa ka mid ah:

Hoos u dhac ku yimaada ganacsiga iyo dhaqaalaha maxalliga ah:


Dilalka ganacsatada waxay sababi karaan xiridda meherado badan oo muhiim ah, taasoo keeni karta hoos u dhac dhaqaale.

Ganacsatada waxay ka baqi karaan inay furtaan goobahooda sababo la xiriira cabsi amni, taas oo saameynaysa ganacsiga iyo shaqaalaysiinta.

Xaaladda amni oo kasii dareysa:


Kooxda Shabaab waxay bartilmaameedsanayaan ganacsatada xiranaya CCTV si ay uga hortagaan isku dayada la doonayo in lagula socdo dhaqdhaqaaqyadooda. Tani waxay niyad-jabinaysaa dadka daneynaya inay hirgeliyaan tallaabooyin amni oo casri ah.

Kalsoonidarro sii xoogeysanaysa ganacsatada iyo macaamiisha:


Macaamiishu waxay cabsida awgeed ka fogaadaan goobaha ganacsi ee bartilmaameedka u noqon kara kooxda, taasoo hoos u dhigaysa isku socodka suuqa. Isla markaana, ganacsatada laftoodu waxay dareemayaan kalsoonidarro, iyagoo cabsi ka qaba in lagu bartilmaameedsado maadaama aysan jirin falcelin cad oo uga timaada booliska iyo NISA.

Gacan ka hadal la’aanta hay’adaha amniga Tan iyo dhacdadii dilalka:

booliska iyo NISA ayaan weli muujin tallaabo cad oo ay ku soo afjarayaan falalkaas amni darro. Tani waxay abuureysaa niyad-jab ku yimaada shacabka iyo ganacsatada, kuwaas oo filayey inay heli doonaan badbaado iyo ilaalin.

Xasan Cali ayaa ugu dambeyn sheegay: “Waxaan dareemayaa inaan ku shaqeynayo cabsidii ugu badneyd. Ganacsato badan waxay bilaabeen inay albaabada u laabaan, ama ugu yaraan yareeyaan saacadaha ay furanyihiin.”

Kaamirooyinka lagu xiray qeybo ka mid ah Muqdisho ayaa si weyn uga qeyb qaatay sugitaanka Amniga Caasimadda. waxaa tan iyo markii la xiray gacanta lagu dhigay xubno badan oo ka tirsan Shabaab oo geysanayay dilal iyo Qaraxyo ka dib markii Wajiyadooda la aqoonsaday. falkaan ayaa ka caraysiiyay Kooxda oo bilowday beegsiga ganacsatada.