U bood dhigaalka

Israa’iil oo duqeymo ku dishay haween iyo Carruur barakac ahaa

Ciidanka Isra’il ayaa Duqaymo ka fuliyay magaalada Beit Lahia, ee waqooyiga Qaza, waxaa ku dhintay ugu yaraan 73 qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur, sida ay sheegeen maamulka Falastiiniyiinta ee Xamaas.

Sidoo kale ku dhawaad boqol qof ayaa ku dhaawacantay, qaar badanna weli waxay ku hoos jiraan burburka dhismayaasha ka dib duqeyntii xalay, sida ay saraakiishu intaa ku dareen.

Israa’iil ayaa sheegtay inay hubineyso wararka sheegaya khasaaraha balse waxa ay beeniyeen tirooyinka ay soo bandhigeen mas’uuliyiinta Xamaas waxa ayna ku tilmaameen “Buunbuunin” oo aanay isu dhigmin xogta ay hayyaan ciidankooda.

Duqeymaha ayaa ku soo aadaya saacado uun kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in “rasaas culus” ay ciidamada Israa’iil ku fureen isbitaalka Indonesia ee ku yaalla bartamaha magaalada.

Saraakiisha caafimaadka Qaza waxaa kale oo ay sheegeen in dagaalka iyo duqeymaha haatan ka jira magaalada Beit Lahia, ay saameyn ku yeesheen isgaarsiinta iyo adeegyada internetka gobolka.

Xafiiska warbaahinta dowladda ee Xamaas ay maamusho ayaa sheegay in duqeynta lala beegsaday “xaafado badan” ayna ku dhinteen 73-qof, halka tiro kalena ay sheegtay wasaaradda difaaca rayidka ee Qaza, BBC-da si madaxbanaan uma xaqiijin karto tirooyinka.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka Falastiin ee Wafa, waxaa gebi ahaan duqeymaha ku burburay dhismeyaal la deganaa.