U bood dhigaalka

NISA oo gacanta ku dhigtay kooxda ku howlanayd qalqal-gelinta nabad-gelyada muqdisho

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka NISA ayaa gacanta ku dhigtay Seddex nin oo la sheegay inay ka tirsanaayeen shabakad isku  xiran oo kooxda Alshabaab u qaabilsanayd, falalka qorshaysan ee ka dhanka ah nabad-gelyada muqdisho.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ay hay’addu soo saartay ciidanka Sirdoonka ayaa helay xogta raggan, waxayna gacanta ku soo dhigeen ayaga, Hubkii ay wateen, labo Mooto Bajaaj iyo Hal mooto Fekon ah oo ay u adeegsan jireen in ay ku baxsadaan marka ay fal amni darro sameeyaan.

Saddexdaan xubnood ayaa qeyb ka ahaa Shabakad Alshabaab ah oo hore intooda badan gacanta loogu dhigay, kuwaas oo ku hawlanaa in ay nabad-gelyada Muqdisho qal-qal geliyaan, halka inta hartayna lagu dabo jiro, sida ay sheegtay NISA.