Jabhadda Xoreynta Ogaadeeniya (JWXO) waxay ku dhawaaqday go’aankeeda ah in ay ka baxdo ka qaybgalka geeddi-socodka Wadahadalka Qaranka ee Itoobiya.
Waxa ay sheegtay in aysan diyaar u aheyn la shaqeynta maamulka Abiy Axmed ee Fashilmay iyo maamulka deegaanka Soomaalida ee taageerada u ah.
” Inkastoo markii hore la ballanqaaday in habka uu noqon doono mid hufan oo ka qaybgal kasta oo loo dhan yahay, haddana tallaabooyinka dhowaan laga qaaday xukuumadda talada haysa ee gobolka Soomaalida ayaa carqaladeeyay habkan, iyaga oo si iskeed ah u soo xulay xubnaha ka qaybgalaya, kana hor yimid heshiisyadii lala galay xisbiyada siyaasadeed iyo dhinacyada kala duwan” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay ONLF.




From the comments