U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Magacaabay Wasiiro cusub

Abdisalan Cabdi Cali oo ahaa Wasiirka Howlaha Guud ayaa loo magacaabay Ra’iisul Wasaare Kuxigeen XFS.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa noqotay Xukuumaddii u horeysay oo yeelatay Labo Ra’iisul Wasaare, kaddib Dowladdii KMG.

Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan loo magacaabay xilka Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka

Cilmi Maxamuud Nuur ayaa mar kale dib ugu soo laabtay Xukuumadda RW Xamse, waxaana loo magacaabay Wasiirka Howlaha Guud.

Wasiir Dowlaha Cusub ee Wasaarada Kaluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga XFS ayaa loo magacaabay Xildhibaan Mohamed Yusuf Hassan.

Ambassador Ilyaas Sheekh Cumar Abuubakar loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka.

Xildhibaan Mohamoud Ahmed Adan oo loo magacaabay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya,

Xildhibaan Caynaanshe Yuusuf Xuseen ayaa loo magacaabay wasiiru dawlaha kaluumaysigga. Waxa uu bedelayaa xildhibaan Baxnaan Bashiir.

Ismail Shire Buraale ayaa loo magacaabay wasiiru dawlaha wasaaradda batroolka iyo macdanta DFS, kursigaan ayaa horey u banaanaa maadaama uu iska casilay Mashruuc.

Wasiir Dowlaha Cusub ee Wasaarada Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul insaanka XFS ayaa loo magacaabay Mohamed Osman Naastaro