Alejandro Toledo Madaxweynihi hore ee Peru ayaa lagu xakumay 20 sano iyo lix bil oo xabsi ah, kaddib marki lagu helay eedo la xiriira musuq maasuq.
Dacwad-oogayaasha ayaa Toledu ku eedeeyay in uu laaluush gaaraya 35 milyan oo dollar ka aqbalay shirkadda ka shaqeyso dhismaha ee Odebrecht ee laga leeyahay Brazil, taas oo lagu eedeeyo in ay lacago badan oo laaluush siisay madax iyo saraakiil sare oo ka tirsan dhowr dowladood oo ku yaalla Larin America.
Lacagta ku kaceysa dhismaha jidka ayaa aheyd qiyaasti $507 oo milyan, laakin Peru ayaa marki danbe lagu qasbay in ay bixiso1 bilyan iyo 250 milyan oo dollar.




From the comments