Taliska jahwareeersan ee Abii Axmed ayaa weli ku howlan riyo maalmeedkii looga bartay iyo madadaaladii ay dadkooda ku mashquulin jireen sida ay dareenka bulshada uga jeediyaan fadhiidnimada maamul iyo qalalaasaha ka jira gudaha dalkaas.
Taliskan hab-dhaqanka guracan leh, islamarkaana dhammaan deriskiisa kula colloobay damiciisa bahalnimada ah iyo dublumaasiyaddiisa xeerarka iyo maamuuska ka arradan ayaa billowgii sanadkan isku dayay inuu qaato qeyb kamida biyaha Soomaaliya, balse arrintaasi way u socan wayday ka dib markii ay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ka dhiidhiyeen.
Haddaba 9 bilood ka dib maamulka Abii Axmed oo ku guuldaraystay meelmarinta heshiis beenaadkii xadgudubka ku ahaa badda Soomaaliya, ayaa mar kale dadkiisa riwaayad madadaalo ah u dhigay, wuxuuna soo bandhigay cutub ciidan ah oo loogu yeeray ilaalada xeebaha.




From the comments