U bood dhigaalka

Wasiirka arrimaha dibedda XFS oo kulan la yeeshay qaar kamida danjireyaasha saaxiibada Soomaaliya

Sheeko:War

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka kooban safiirro matalaya dalal dhowr ah oo soomaaliya bah-wadaag la ah.

Safiirradan ayaa kala ah Mudane Fadhl Cali Axmed Al-Hanak, Safiirka Jamhuuriyadda Yemen; Mudane Axmed Jumca Al-Rumaithi, Safiirka Isutagga Imaaraadka Carabta; Mudane Dr. Cabdullaahi bin Saalim Al-Nuaymi, Safiirka Dowladda Qatar; Mudane Axmed Maxamed Saalax Al-Mawliid, Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya; iyo Mudane Cammar Axmed Babiker, Ku-simaha Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan.

Diblomaasiyiintu waxay booqdeen Wasiirka si ay ugu gudbiyaan tacsi tiiraanyo leh kadib geeridii kutimid Hooyadiis Marxuumad Fatima Shirdoon Ducaale, hooyada Wasiirka oo ku geeriyootay Muqdisho Sabtidii, Oktoobar 19, 2024.

Booqashada danjireyaashan ayaa muujinaysa taageerada iyo barbar istaagga ay u hayaan Soomaaliya xilligan adag dalku uu wajahayo duullaanka horornimada ah ee Itoobiya.