U bood dhigaalka

Saraakiil iyo askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo Loo maxkamadaynayo qaladaad ka dhacay furimaha dagaalka

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa la soo taagay saraakiil iyo askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo loo haysto gefaf ka dhacay goobo dagaal oo ay ku sugnaayeen.

Xubnahan oo ka kala tirsanaa qeybta 21-aad, 27-aad ee ciidanka xoogga dalka, iyo saldhigga degmada ceeldheer ayaa lagu eedeeyay inay ka baxeen furimo dagaal oo ay ku sugnaayeen iyo amar diiddo ciidan.

Xeer-ilaalinta maxkamadda ayaa codsatay in dil toogasho ah lagu xukumo xubnahan oo gaaraya 4 ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo isugu jira saraakiil iyo dablay iyo taliyihii saldhigga degmada ceeldheer.
Inkastoo Soomaaliya ay dal muslim ah tahay, islamarkaana laga yaabo inaan askar dil lagu xukumi doonin, haddana ka baxsiga goobaha dagaalka iyo amar diidada ciidanka dalalka dunida waxaa uga degsan xeerar adag oo xabsi dheer, derajo ka xayuubin, iyo toogashoba noqan kara.